AF-SOOMAALI

Jubbaland oo ka hadashay sababta ay garoonka diyaaradaha uga celisay saraakiisha ka socotay xoogga dalka


Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay sababtay ay Jubbaland u amartay in ay Muqdisho ku laabato diyaarad siday saraakiil uu hogaaminayay taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cali Max’ed Maxamuud (Bogmadoow), kaa oo ay dhawaan dowladda Soomaaliya Magacowday.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabista sarkaalka, isagoo xusay in warqad cabasho ku aadan arrintaasi ay hore ugu gudbiyeen dowladda balse aan waxba laga qaban.