AF-SOOMAALI

Jubaland anaga ma taageerin Duqeymaha ka dhacay duleedka Gaalkacyo, waana ka xunnahay


Maamulka Jubaland ayaa beeniyay warar sheegaya in ay taageereen duqeeymihii ay askarta badani ku dhinteen ee ka dhacay xero ciidan oo ku taal duleedka magaalada Gaalkacyo, kuwaa oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareeykanka oo garab ka helaya ciidamada PS-ta Puntland.

Afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Jubaland oo ay uga hadashay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo sheegay in aysan wax xog sugan ka helin arintaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay ka xunyihiin weerarka ayna ka tacsiyeeynayaan dadkii ku dhintay halkaasi.