GLOBAL NEWS

JEN. TUUR-YARE: Warbaahinta Madaxa-banaan Waa in Al-shabaab ay ugu Yeertaa Magaca UGUS


 

[show_avatar email=11 align=left user_link=last_post show_name=true avatar_size=74]

Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa warbaahinta madaxa-banaan ugu baaqay inay wixii maanta ka dambeeya Al-shabaab ugu yeeraan UGUS, kaas oo uu sheegay inay dhawaan dhaqan-gelisay warbaahinta dowladda, kaddib markii ay soo saareen war ay ku baahiyeen in bedeleen magacii Al-shabaab ay bedeleen.

Jen. Tuur-yare ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta xorriyadda Warbaahinta Caalamka ee 03-da May oo lagu qabtay Hoteelka Al-jaziira ee Muqdisho. “Waxaa doonayaa inaan halkaan uga codsado maanta warbaahinta gaarka loo leeyahay in magaca Al-shabaab aan bedelnay, waxaana ku bedelnay UGUS, iyaga ayaana isku bixiyay, magaca Al-shabaab waa magac aad u fiican waa dhallinyaro, ma ahan inaan u ogolaanno magacaas inay xumeeyaan,” ayuu yiri taliyaha Nabad-sugidda Qaranka.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu xusay inaanay habbooneyn inay ka maqlaan magaca Al-shabaab idaacadaha kale, isagoo uga mahad-celiyay warbaahinta dowladda sida ay magacaas u hir-geliyeen. “Cadawga aan la dagaalameyno waa UGUS oo macnihiisu uu noqonayo Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed, Warbaahinta dowladda way dhaqan-gelisay, kuwa kalena waa in ay la mid noqdaan oo ay UGUS ugu yeeraan, Waayo ma ahan inaan Warbaahinta kale ka maqalno magaca Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Tuur-yare.

Wuxuu taliyuhu intaas ku daray inay doonayaan in Ummadda la Fahamsiiyo waxay tahay Al-shabaab, maadaama uu magacaan ugu baxay dilalka ay sida gaadmada ah mar walba ula beegsadaan shacabka Soomaaliyeed. Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Somalia kuma sheegin hadalkiisa inay Tallaabo ka qaadayaan Idaacaddii ugu yeeri wayda Al-shabaab magaca ay u bixiyeen ee UGUS, iyadoo hadalkiisa uu u muuqday mid talo ah.

Ugu dambeyn, idaacadda ay dowladda Soomaaliya maamusho ayaa dhawaan hir-gelisay magaca cusub ee hay’adda sirdoonku ay soo jeedisay in loogu yeero Al-shabaab, waxaana isla magacaas uu kusoo baxay war-murtiyeedkii shalay laga soo saaray shirkii Garoowe.