AF-SOOMAALI

Jaamacada Carabta oo Soomaaliya ka taageereysa sugida amniga


Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo xaqijiyo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo ka hortaga kooxaha argagixisada ah.

Xildhibaanada baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-shabaab dagaal caalami ah oo dowladdo badan ay ka qeyb qaataan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in ay ka xun yihiin qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoteelka Dayax ee degmada Waabari.

Dr. Meshaal Al Salmi afhayeenka baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka baarlamaanka Jaamacadda carabta ay u tafa xaydan doonaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo celi lahaa Soomaaliya.

Ugu dambeyntii xildhibaanada Jaamacadda Carabta waxaa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin Madaxda dowladda Soomaaliya.