GLOBAL NEWS

Isbitaalka Indhaha Al-nuur oo fuliyay mashruuc Araga loogu fiiqay ku dhawaad Kun-qof


Mashruuc Samafal ah oo baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameeyey kumannaan qof oo ka mid ah dadka taagta-daran ayaa maanta lagu soo gunaanaday xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Nuur, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay inay howshan samafalka ah lagu guuleystay, isagoo xusay in dadka ka faa’iideystay ay isugu jireen barakacayaal iyo dad danyar ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

“Waxaa farxad inoo ah inaan soo gunaanadno maanta howlo daweyn iyo qaliin dhinaca indhaha ah oo muddo labo bilood ah ka socday xarunta isbitaalka Al-Nuur,” ayuu yiri agaasime Dalmar.

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyey in hirgelinta howshan samafalka ah ay iska kaashadeen heyadda Al-Nuur Foundation oo isagu uu madax u yahay, heyadda Al-Basiir Foundation ee dalka Pakistan iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka (Doctors Word-wide) oo fadhigiisu yahay wadanka Turkiga.

“Mashruucan waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 8,816 qof, 962-qof oo ka mid ah waxaa loo sameeyey qaliimo dhinaca indaha ah, halka inta kale oo tiradooodu gaareyso 7,854 qof loo sameeyey baaritaano iyo daweyn, mashruucana waa mid lacag la’aan ah oo loogu adeegayo bushada Soomaaliyeed,” ayuu Dr. Dalmar ku daray hadalkiisa, isagoo farta ku fiiqay in dadka indhaha loo fiiqay ay ku jireen 45-caruur ah oo arag la’aan ku dhashay.

Sannadka soo socda ee 2016-ka ayuu sheegay inay u qorsheysan tahay inay si bilaash indhaha ugu fiiqaan dad gaaraya 5,000-qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, wuxuuna u mahad-celiyay dhamaan hay’adaha ka qeyb qaatay mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur iyo intii kale ee gacanta ka geysatay.

Dr. Muhammad Khizar Bashiir, Dr. Dr. Muhammad Jamsheed Khan iyo Dr. Savas Eriz oo uu hadlay heyaddaha ka qeyb qaatay mashruucan qiimaha badan ayaa iyana sheegay iney ku faraxsan yihiin in howlo samafal oo noocan oo kale ah u qabtaan walaalahood Soomaaliyeed ee taagta daran iyagoo balan qaaday iney sii wadi doonaan, ayna marar kale oo badan iman doonaan Somalia.

Barakacayaasha ah iyo dadka dan-yarta ah ee sida lacag la’aanta ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, waxayna u mahad celiyeen maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Mashquul fara badan ayaa mudooyinkan laga dareemayey Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, waxaana soo buuxiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku diyaarinayaan bukaanada qaliinka loo wado, kuna baxnaaninayaan kuwa indhaha loo fiiqay.