GLOBAL NEWS

In ka badan 8,000 oo Qoxooti ah oo ku noolaa Kenya ayaa dalkoodii Somalia lagu celiyay


Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR, ayaa sheegtay maanta in qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 8,003 Ruux oo Xeryaha ku yaalla Kenya ee Dhadhaab, ayaa dib loogu celiyay Dalkooda Somalia, Kuwaasoo intooda badan dhulka la marsiiyay.

UNCHR ayaa Warbixinteeda ku sheegtay in bishii Jannaayo ee Sannadkan 2016-ka ay dib ugu laabteen Somalia 218-qof oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dhulka la mariyay, iyadoo xustay in qoxootigan oo lagu celiyay degmooyinka Baydhabo oo ka tirsan Gobolka Bay iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo lagu qaaday shan bas oo dhulka maray.

Sidoo kale, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa Hadalkeeda ku dartay in dib loo Furay in Qooxotiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab la mariyo dhulka, kaddib markii ay bilooyin ka hor xayiraad saartay in dhulka la mariyo qoxootiga, taasoo ay ku sababeysay Roobab badan oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya iyo Waddooyinka oo aan hagaagsanayn.

“Qoxootigan dib loogu celiyay Degmooyinka Baydhabo iyo Luuq waxay noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee dhulka la mariyo tan iyo markii la joojiyay in qoxootiga la mariyo dhulka Bishii Oktoobar ee Sannadkii hore 2015-ka, Xilligaasoo Roobab ay jireen,” ayay UNHCR ku tiri Warbixin ay kasoo saartay Magaalada Nairobi.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Qoxooti Soomaaliyeed oo Tiradoodu ay dhan tahay 1,902 oo ruux oo ay Qaadeen Siddeed Gaari oo xamuul ah ay ku wajahan yihiin Somalia, kuwaasoo haatan ku sugan xaruntooda Dhoobley.

“Xilligaan, Waxaa Hakad ku jira Qoxootiga duulimaadyada lagu celinayay, Laakiin waxaa dib loo billaabi doonaa bishan Feberaayo. Dhinaca kale, intii u dhexeysay December 2014-kii illaa 31-kii Bishii Janaayo, 2016-ka, Waxaa dib loogu celiyay Somalia qoxooti 8,003 ay Tiradoodu ahayd, kuwaasoo ay dib u Noqoshadooda ay Gacan ka geysatay UNCHR,” ayaa mar kale lagu yiri Warbixinta Hay’adda UNCHR.

Dhanka kale, UNCHR ayaa xustay in xilligan ay doonayaan qoxooti Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 1,700-qof oo ku nool Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay diyaar u yihiin inay si iskood ah dib ugu laabtaan Waddankooda Soomaaliya.

Qoxootigan ayay sheegtay hay’addu inay doonayaan inay dib ugu laabtaan Qaar ka mid ah deegaanadii ay kasoo jeedeen ee Somalia, sida; Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Luuq oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa xilligan ku nool Qoxooti Soomaaliyeed oo Tiradoodu ku dhaw-dahay Nus Malyuun Qof oo Qaarkood Xer-yahaas ku noolaa tan iyo markii uu dhacay burburkii Somalia 1991-kii.