GLOBAL NEWS

Hoggaamiyihii Mucaaradka Suudaan Xasan Al-Turaabi oo ku Geeriyooday Magaalada Khartuum


Hoggaamiyaha Mucaaradka Suudaan, Sheekh Xasan Al-Turaabi oo aad uga soo Horjeeday Siyaasadaha Xukuumadda Dalkaas ayaa dhintay, kaddib markii uu wadnuhu istaagay Sabtidii shalay, wuxuuna ku geeriyooday da’da 84-sano jir.

Turaabi oo xanuun uu kaga soo booday Wadnaha ayaa markiiba la dhigay isibtaalka guud ee maaalada Khartuum, halkaasoo uu ku geeriyooday markii uu Wadnuhu istaagay, sida ay sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka Isbitaalkaas.

Sidoo kale, Xasan Turaabi ayaa wuxuuu ahaa furaha kooxaha kasoo horjeeda siyaasadda madaxweyne Cumar Al-Bashiir tan iyo markii uu xukunka dalkaas la wareegay 1989-kii, isagoo bulshada dalkaas ugu baaqi jiray inay dhigaan dibad-baxyo ama kacdoonno ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Al-Bashiir.

Inkastoo dhowr jeer la xiray Turaabi ayaa haddana lasii daayay, ma ahay qof iska beddela fikradihiiisa mucaaradnimo ee uu kaga horjeedo xukuumadda Khartuum, wuxuuna ahaa ruuxa keliya ee taageeray dalabkii maxkamadda ICC ee ahaa in lasoo xiro madaxweynaha Suudaan.

Dhanka Xasan Al-Turaabi ayaa wuxuu ahaa hoggaamiye ay ka go’nayda inuu ka hirgeliyo Suudaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ahaa dadka sida aadka ah ugu ololeeyo in Suudaan aan la kala jarin.

Ugu dambeyn, Marxuum Sheekh Xasan Al-Turaabi ayaa wuxuu ku hadli jiray Luuqadaha, Ingiriiska Faransiiska iyo Jarmalka, isagoo ugu hadli jiray sida luuqadda Carabiga ee uu u dhashay. Isagoo inta badan ku doodi jiray in xukunka Suudaan wax laga bedelo.