AF-SOOMAALI

Hillary Clinton iyo tartanka madaxnmada USA


Hillary Clinton ayaa weerar afka ah mar kale ku qaaday murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Hillary ayaa sheegtay in Donald Trump fikaradihiisu ay aad u khaldan yihiin isla markaana aanan lagu hoggaamin karin shacabka Mareykanka. Waxay kaloo sheegtay in marka fikradihiisa loo eego xisbi uu ka tirsan yahay uusanba jirin.

Hillary Clinton ayaa sidoo kale aqbashay inay noqoto murashaxa sida rasmiga ah doorashada madaxweynenimo uga qeyb galaya xisbigeeda Dimuqraadiga.

Waxay sheegtay in qof kasta oo aaminsan afkaarta xisbigeeda inuu ka mid yahay xisbigeeda isla markaana ay habboon tahay inuu u codeeyo ayada.

Doorashada madaxweynenimada ayaa waxaa la filayaa inay Mareykanka ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan.