GLOBAL NEWS

Halkee ayuu Marayaa Shirkii Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraaan iyo Shabeellada Dhexe?


Waxaa 12-kii bishaan Jannaayo si Rasmi ah uga Furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe shirka dhismaha maamul labada Gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo uu daah furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb-galay ergo laga soo kala xulay labada gobol ee maamulka sameysanaya iyo siyaasiyiinta ku matasha dowlada dhexe, kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay Shirka degmada Jowhar oo ay ku Tilmaameen mid guul u ah dhammeystirka nidaamka federaalisam-ka oo ay Soomaaliya qaadatay.

Shirkan oo maalintii furitaanka kaddib hakad-galay ayaa dhinaca kale marka la eego waxaa wajahaya caqabado hore leh oo uga imaanaya beelaha qaarkood oo si cad u sheegay inay qaadaceen ka qaybgalka shirka, iyaga oo ku eedeeyay dowladda in ay dhismaha maamulka labada gobol ka weecisay wadaddii saxda aheyd.

Iyadoo ay taa jirto ayeey hadda wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ku micneysay hakadka ku yimid shirka mid farsamo, madaama wixii hadda ka danbeeya looga baahan yahay beellaha in ay soo xulaan ergadii rasmiga aheyd ee shirweynaha,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ka hor inta uusan furmin wajiga labaad ee shirka xubno ka tirsan dowladda dhexe tagi doonaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaa oo kala hadli doona waxgaradka beellaha tabashadooda, si markaa loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka.

Marka aad hoos ahaan ugu sii fiirsato cabashada ay qabaan beellaha ayaa dhamaantood ku saleysan saami-qeybsiga iyo sidda ay labada gobol u wadaagayaan awood hogaamineed ee maamulka dhismaya, madaama waxgaradka ka soo jeedda gobolka Hiiraan ku tilmaameen arin cadaallada ka fog in labada gobol hogaaminta maamulka u wadaagaan si isla eg ama siman.

Wasaarrada arrimaha gudaha & federaalka ayaa meesha ka saartay shaki dad badan ay ka qabeen habka loo marayo dhismaha maamulka, madaama maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha maamulka labada gobol dooranayaan ergada shirka, hasse ahaatee wasaarrada ayaa sheegtay in la marayo dariiqii dhismaha maamulka Galmudug ee ahaa marka hore la dhiso baarlamaan soo dooran doona madaxweynaha maamulka, labada gobol.

Balse, howsha ergada ayaa noqon doonta ka doodista iyo meel-marinta sharciga, astaanta, calanka iyo magaca uu qaadanayo maamulka oo dhamaantood marka la eego ah howl aan sahlaneyn.

Ugu danbeyntii, lama oga rasmi ah ahaa waqtiga uu dib u furmayo shirka, hasse ahaatee waxaa soconaya kulamo hoosaadyo ay leeyihiin beellaha labada gobol oo looga arisanayo ka qeyb-galka wajiga labaad ee shirka.