AF-SOOMAALI

Hailemariam Desalegn oo goor dhaw is casilay


Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii uu hayay iska casilay ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

Iscasilaada ra’iisal waaaraha ayaa imaneysa iyadoo dalka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon ay wadaan Qowmiyada Oromada.

”Degenaan la’aanta iyo xiisada siyaasadeed ee jirta, waxaa ay sababtay in ay dad badan nolashooda waayaan, kuwa kalana barkacaan” ayuu yiri Hailemariam Desaleng.

Iscasilaadiisa ayuu ku sheegay in ay muhiim u tahay degenaashaha iyo la sameeyo dib u habeyn dhinaca maamulka ah, nabada waarta iyo dimuquraadiyad,

Dibadbaxyada Itoobiya ee isbadal doonka ayaa bilaabmay dhammaadkii 2015-kii, iyaga oo markii danbe ku fidey gobollada Oromada iyo Amharada, waxaana dibadbaxyadii ugu danbeeyay ee dhacay ku dhintay 10 ruux halka tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Inkastoo uu is casilay ra’iisal wasaare Desalegn haddana xilka ayuu baaqi ku sii ahaan doonaa ilaa baarlamaanka uu ogolanayo soo jeedistiisa lana magacaabayo ra’iisal wasaare cusub