AF-SOOMAALI

HADLIYE: Madaxweynaha Sudan kama qayb-galayo Shir Madaxeedka IGAD ee lagu qabanayo Muqdisho


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, ayaa sheegay in shirka IGAD ee Maanta Muqdisho lagu qabanayo inuusan kasoo qayb-geli doonin Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Hadliye ayaa sheegay in Madaxweyne Cumar Al-Bashiir uu cudur-daar soo gudbiyay, isla markaana uu shirka IGAD ku metelayo Safiirka Suudaan u fadhiya Muqdisho. Isagoo yiri. “Madaxweynaha Suudaan wuu cudur-daartay, shirkana ma imaanayo, waxaa u metelaya Safiirkiisa Somalia u jooga.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in shirka IGAD uu gellinta dambe ee maanta ka furmayo Muqdisho, inkastoo uusan sheegin inta uu soconayo, Wuxuuse Xusay in dhammaan madaxda IGAD ay shirka goobjoog ka noqon doonaan.

Ugu dambeyn, Muqdisho ayaa waxaa ku sugan madaxweynayaasha Uganda, Kenya iyo RW Itoobiya, kuwaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.