AF-SOOMAALI

Guushii Muudeey iyo Weji Gabaxii Faarax (Guuxa Dadweynaha 2017)


Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Xamar ka socday duufaan siyaasadeed oo ku dhuftay quluubta Soomalida gigilayna dhamaan magaalooyinka Sooomaliya waxaa ka mid ahaa.

1-Mooshinkii laga keenay ex-Madaxweyne Galmudug Cabdikariim

2-Guushii Prof Jawaari oo daaqadda ka saartay Madaxweyne Shariif Xasan

3-Guuldaradii Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

4-Guuladardii Xildhibaan Faarx Cabdiqaadir iyo Guushii Xildhibaan Muudeey

Haddaba waxaa halkaan ka milicsan kartaa in waa cusubi u beryay siyaasada Soomaaliya oo laga gudbay awood gobolaysi iyo lacag qaadasho ku dhisan.

Shacabka social Media ku kulma iyo weliba meelaha la isugu tago waxaa ugu hadal hayn badnayd Guuldaradii Xildhibaan Faarax cabduqaadir oo la filayay inuu sida hilaaca ku maro doorashada afhayeenka 1aad isagoo laga aaminsanaa inuu ahaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee Damujadeed ama si kale hadaan u dhigo maskaxdii ka debaysay guushii ex-Madaxweyne Xasan Shiikh 2012kii intii ka danabysayna uu ahaa ninka shukaanta maamulka wadanka xaga danbe ka hayay. Taas waxay ku dhiiri gelisay inuu isna maanta is cadeeyo oo uu ka soo baxo gudcurkii uu isku qarin jiray afartii sano ee la soo dhaafay uuna dafiri jiray shaqada uu u qabto ex-Madaxweyne Xasan Shiikh. Haddaba see wax u dheceen

Faarax iyo hankiisii gablamay 12 Janaayo 2017

Faarax wuxuu u haystay inuu dhisay maamulada Kismaayo, Galmudug , Hirshabeeleiyo Koonfur Galbeed uuna xildhibaanada goboladaas ugu mano sheeganayay wuxuuna islahaa kulamadii dhowrkii habeen ee tegay iyo gacmo iskgeliskii howshu waa dhan tahay wuxuuse ilaaway in Baarlamaanka la doortay ay ka buuxaan dad ka cadhaysan siyaasadii dowladdii Madaxweyne Xasan shiikh oo lagu eedeeyay

1-Musuqmaasuq baahsan

1.Xatooyo hantididii dowladda sida Dhulkii Madaarka iyo wakaaladii kheyradka Badda iyo Kaluumaysiga.

2. Dhulkii Tarabuunka

3.Dhulkii wershadii Baastada iyo hanti badan oo la soo koobi karin

2-waxaa kaloo lagu eedeeyay tayo xumidda ciidamada xooga dalka Soomaliyeed iyo amni xumida ka jirta Soomaliya.

3-Hagardaamadii ay dowlada Xasan Shiikh u gaysatay shacabka Khaatumo State of Somaliya iyagoo iska indho tiray xuquuqdii ay ku la haayeen Soomaliya

4-kobcinta dhaqaalaha dhowr shirkadood oo ay leeyihiin dad gaar ah iyo curyaamintii haygalkii dowladnimo ee dalka

Iyadoo intaas oo dhan lagu eedayay dowladdiii uu gadaal ka maamuli jiray Xildhibaan Faarax inuu maanta Soomali u noqdo sharcidejiyaha iyo maamulaha aqalka shacabka ma qabato dadka Soomaliyeed ee sheekada maanta waxay ku soo ururtay (Walee Karis Xumeey Adna Wax Ku li’id) bal aynu eegno ayaamaha soo socota iyo casharada cusub ee loo dhigi doono kuwii siyaasada ku fashilmay afartii sano ee la soo dhaafay.