AF-SOOMAALI

Gudoomiye kuxigeenada cusub ee gobolka Banaadir oo lagu soo wareejiyay xarunta gobolka (Daawo Sawirada)


Waxaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii maamulka gobolka Banaadur, waxaana la magacaabay afar Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye kuxigeenada cusub ayaa durba maanta la geeyay xarunta Maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna halkaasi kula kulmeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Kuxigeenadii xilka laga qaaday.,

Kulanka kadib ayaa Gudoomiye kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha lagu soo wareejiyay xarunta maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan xafiisyada ay ku shaqeyn doonaan Gudoomiye kuxigeenada cusub.

Maalinta berito ayaa lagu wadaa in xilka si rasmi ah ula wareegaan Gudoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee gobolka, waxaana magacaabistan horu dhacv u tahay isbadal lagu sameenayo maamulka gobolka.