AF-SOOMAALI

Gudiga doorashada madaxweynaha oo go’aan ka qaadanaya dib u dhac ku yimid dooddii musharixiinta


Marka dib loo eego jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya maanta oo ay taarkhdii ku beegan tahay 31 bishan Janaayo maalin Talaado ah waxaa uu qorshuhu ahaa in dood furan yeeshaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, hasse ahaatee taa ma dhacin kaddib markii leysku khilaafka habka ay u dhaceyso doodda oo musharixiinta qaar isaga baxeen.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw gudiga qabanqaabada doorashada ayaa HOL u sheegay in 24ka musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya loo kala qeybiyay mid 12 musharax oo qeybta hore qorshuhu ahaa in dooddoodu bilaabato subaxnimadii hore ee saakay, halka qeybta labaad la filayay in gallinka danbe ee maanta ka qeyb-gallaan.

Hasse ahaatee musharixiintii ku qornaa jadwalka hore ee doodda ayaa isaga baxay xarunta kadib markii ay ogaadeen in aysan toos aheyn oo aan laga daawaneynin TV yada Afka Soomaaliga ku baxa.

Sidoo kale lama oga in sida ay ku qabsoomi karto qeybta labaad ee doodda oo loo balansanaa gallinka danbe ee maanta madaama aysan soo xaadirin musharixiinta ka qeyb-gali laheyd.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in gudiga qabanqaabada doorashada xiligan leeyihiin kulan deg deg ah oo la xirira dib u dhaca iyo khilaafka ka dhashay doodda musharixiinta oo aheyd qeyb ka mid ah jadwalka doorashada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay go’aan ka soo saaraan.

Musharixinta qaar ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan dowladda in ay ka shaqeeyeen in doodda noqoto mid qarsoodi ah

Ugu danbeyntii, musharixiinta qaar ayaa arintan ku tilmaamay mid siyaasadeed kadib markii saacadihii hore ee maanta gobollada Koonfurta Soomaaliya laga waayay khadka Internetka oo saacado ka hor dib u soo laabtaan.