GLOBAL NEWS

Guddoonka Baarlamaanka oo lagu eedeeyay ku xadgudubka Dastuurka & Xeerarka Baarlamanka


Arbaco, Abriil 22, 2015 — Guddoomiyaha gudiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Somalia, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo ku xigeennadiisa inay ku xad-gudubeen xeer-hoosaadyada u yaalla baarlamaanka iyo dastuurka Qaranka; isagoo xusay inay ra’yigooda u adeegsadaan go’aan ka gaarista xeerarka qaarkood, iyagoo cuskanaya xilka ay ummadda u hayaan.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay inuu qoraal uu kaga hadalyo arrintan uu u diray madaxda sare ee dalka, kaasoo uu kaga codsaday xukuumadda in ay siiso bulshada gobalka Banaadir ku nool ay helaan xuquuq la mid ah tan shacabka ku nool 18-ka gobol ee Soomaaliya ay ka kooban tahay.

Sidoo kale, wuxuu xildhibaanku ku doodayaa in gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18–ka gobol ee dalka ka jira, shacabka daganna ay leeyihiin xuquuq dustuuri ah; ayna tahay in la dhageysto rabitaankooda.

Haddaba, Akhriso Nuqullada Eedeynta uu Jeedinayo Xildhibaan Cosoble Cosoble; Guddoomiye_2