AF-SOOMAALI

Guddoonka baarlamaanka oo kulan la qaatay guddiga doorashada dadban


Guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddiga doorashada dadban oo ay ka wada hadleen arimo la xiriira doorashada xubnaha gobollaha shacabka iyo aqalka sare ee wali dhiman.

Gaar ahaan kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay sida laga yeellayo 14 xildhibaan ee wali ka harsan gollaha shacabka, madaama xubnaha baarlamaanka ee gobollada W/qooyi ka dhiman yihiin 7 xildhibaan, halka beellaha Banaadiriga wali ku harsan yihiin labo xubnood iyo shanta kursi ee dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyay guddiga doorashada dadban ee heer federaalka dadaalkii ay ku bixiyeen doorashooyinkii adkaa ee ka dhacay dowlad gobolleedyada, isaga oo ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xildhibaannada dhiman.

Guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in ay diyaarinayaan xeer cusub oo lagu wajihi doono buuxinta kursiga xildhibaankii geeriyooda ama iskii uga taga gollaha oo markii hore nabadoonka beesha uu iska soo qoran jiray, laakiin ay qorsheynayaa in wixii hadda ka danbeeyay xildhibaanka booskaa buuxinaya uu ku iman doono hab doorasho.

Dhinaca kale, kulan ay warbaahinta dibad joog ka aheyd ayeey guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada dadban uga wada hadleen sida laga yeelayo shanta kursi ee dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada kuwaa oo laga soo reebay 11 kursi oo ay horay u laaleen guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka.

Ugu danbeyntii, guud ahaan marka la eego xildhibaannada wali dhiman ee ka harsan baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo loo maleyanayo in ay ku xiran tahay dhameystirka xubnaha wali ka harsan labada aqal ee baarlamaanka.