AF-SOOMAALI

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Dhexe oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle


Guddomiyihii Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe Cali C/llaahi Xuseen [Guud-laawe], ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Hir-Shabeelle, kaddib markii uu doorashadii ka dhcday Jowhar kaga adkaaday musharraxii xilka kula tartamayay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ee la doortay ayaa waxay xilkaan ku loolamee musharax Cali Xasan Hilowle [Taakow], Waxaana Natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sh. Cismaan Barre.

Cali Guud-laawe ayaa helay 86 cod, halka musharaxii la tarmayay uu helay 10 cod, iyadoo Goobta looga dhawaaqay in Cali Guud-laawe uu yahay Madaxweyne xigeenka Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle, ayaa maanta loo doortay Cali C/llaahi Cosoble Siyaad, kaddib markii uu kaga adkaaday doorashada Musharraxii la tartamayay oo ahaa; Maxamed Cabdi Waare.

Dhanka kale, Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa lagu Caleemo-saaro degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo la filayo in ay ka Qayb-gelaan Mas’uuliyiin kala duwan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo diiran u diray Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hir-shabeelle iyo ku xigeenkiisa oo maanta lagu doortay Jowhar, isagoo u rajeeyay shaqo wacan.