AF-SOOMAALI

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare oo la doortay


Doorasho aad u adag oo saddex wareeg leysla maray, ayaa ugu danbeyntii waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ku guuleystay Abshir Max’ed Axmed Bukhaari oo ka guuleystay Axmed Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer.

Musharax Abshir Mukhaari ayaa ku guuleystay 30 cod, halka musharixii la tartamayay Axmed Cabdi Dhuxuloow uu helay 22 cod.

Goor dhaw ayaa la gudagali doonaa doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad oo ay ku tartamayaan 7 xildhibaan oo ay ka mid yihiin labo dumar ah.

Natiijada doorashadaasna waan idin soo gudbin doonna