AF-SOOMAALI

Guddoomiye Jawaari oo si diiran loogu soo dhoweeyey Kismaayo,


Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland, wuxuuna kulan gaar ah uu la yeeshey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxed Islaam Axmed Madoobe.

Ujeedad socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa la xiriirta ka qeybgalka furitaanka kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka Jubbaland oo ka furmaya magaalada Kismaayo maalmaha soo socda.

Dhowaan ayey markii Gudoomiye Jawaari uu booqday magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland halkaasoo uu kaga galay furitaanka kalfadhiga baarlamanka Puntland, isagoo sidoo kale kulamo la yeelan doonaan madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.