AF-SOOMAALI

Guddoomiye Jawaari oo is casilay


Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhaw xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaa mar kaliya ka war helay qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari sheegay in uu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta Arbacada ah uu khudbad ka jeedin doono Jawaari Golaha Baarlamaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Prof Jawaari oo ka hadlaya waxaa ka jira in uu iska casilay xilka guddoomiyihii Golaha Shacabka oo baarlamaanka uu ka hor sheegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Cabdiwali Muudeey.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..