AF-SOOMAALI

Guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare Soomaaliya oo xilka loo dhaarinayo


Galinka danbe ee maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya loogu dhaariyo Baashe Yuusuf Axmed oo maalin ka hor xilkan uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhaarinta xilkan ee guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ayaa imaneysa xili dhinaca kale wali guddoomiyihii hore Ibraahim Iidle Suleymaan ku adkeysanayo in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee maxkamada sare, isaga oo sheegay in madaxweyuhu awood u laheyn xil ka qaadistiisa.

Xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo muran dhinaca sharciga ah, iyadoo garsooyaal iyo sharciyaqaanno arintan ka hadlay dhinacooda soo dhaweeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare.