AF-SOOMAALI

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Cali Samatar oo Kulan ku yeeshay Muqdisho


Ku-simaha madaxweynaha Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga Qaban-qaabada Aaska qaran ee Muqdisho loogu sameynayo Allaha u Naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somalia, Jen. Maxamed Cali Samanar.

Prof. Jawaari, ayaa sheegay in Hawsha Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Jen. Samatar ay si Wanaagsan u socdaan, isla markaana Calanka Somalia hoos loo dhigayo muddo saddex maalmood ah oo caawa ka billaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna Sharfayo marxuumka.

Ugu dambeyn, Jen. Maxamed Cali Samanar oo madaxweyne ku-xigeen, RW-re iyo Wasiirka Difaaca kasoo noqday Xukuumaddii Millatariga ahayd ee Somalia ayaa ku geeriyooday dhawaan Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka, Waxaana la filayaa in dhawaan Aas Qaran loogu sameeyo dalkiisa Hooyo.