AF-SOOMAALI

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban oo mar kale dib u dhigay Xilliga Doorashooyinka


Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku shaaciyay in Doorshada ay dib u dhacday muddo bil ah, iyadoo la dooran doono madaxweynaha cusub 30-ka bisha November ee 2016-ka, halkii ay markii hore ka ahayd 30-ka Oktoobar.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee sanadkan 2016, Cumar C/lle Dhageey ayaa Shirka jaraa’id ka sheegay in ay soo saareen Jadwal cusub oo doorshooyinka ah, maadaama midkii hore uu dib u dhac ku yimid.

Jadwalka cusub ayaa waxaa qodobbadiisa ku jira in doorashooyinka Xubnaha Aqalka sare ay dhici doonto ugu dambeyn 05-ta bisha Oktoobar, doorashada Xildhibaanada Somalia waxaa loo Asteeyay 23-ka bisha Oktoobar illaa 10-ka November, Doorshada Guddoonka Labada Aqal ayaa dhici doonta 23-ka isla bisha November.

Sidoo kale, Doorashada Madaxweynaha ayaa dhicaysa 30-ka November ee sannadkan, iyadoo dib u dhigidda doorashooyinkan ay tahay middii labaad oo dib loo dhigo tan iyo markii guddiga doorashooyinka dadban la sameeyay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in doorashadu aysan ka dib dhaceyn xilligii lagu Heshiiyay ee ahaa 30-ka Oktoobar in lasoo doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jadwalkaan cusub ee guddiga Doorashooyinka Dadban ay soo saareen lama oga musharaxiinta xilka madaxweynaha Somalia iyo Xisbiyada syaasadeed waxay ka dhihi doonaan.