AF-SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka FS oo sheegay inay ku shaqeyn donaan si Cadaaladi ku jirto


Guddiga Heer Federaal ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dalka [FIEIT], ayaa Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku Qabteen ka sheegay inay ku shaqeyn doonaan si ay cadaaladi ku jirto.

Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) oo ah guddoomiyaha guddigan, ayaa sheegay in doorashooyinka ay ka dhici doonaan 37 Deegaan oo ka tirsan Gobollada Somalia iyo xarumaha maamul-goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Cumar Dhageey ayaa sheegay in Guddigooda ay si Wadajir ah u dhiseen Dowladda Dhexe ee Somalia iyo Maamul-goboleedyada Waddanka, uuna si dhaw ula shaqeynayo hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia iyo AMISOM si loo xaqiijiyo hab-sami-u-socodka doorashooyinka.

“Guddiga Federaalka Doorashooyinka aan Tooska ahayn, Mas’uuliyaddoodu waxay noqonaysaa Qor-sheynta doorashooyinka dalka. Goob walba oo ay ka dhacayso Doorashadanna waxay Guddigu u diri doonaan xubin ka mid ah ama qof wakiil ka ah,” ayuu yiri Cumar Dhagey.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in Tababaro ay siin doonaan Cuqaasha Beelaha, sidoo kalena waxay sameyn doonaan Xubno hawsha wax kawada kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii xubnaha ka mid noqonaya doorashooyinka ay u soo dhaweyn lahaayeen ula hawl-geli lahaayeen.

“Waxaan xaqiijinayaa in doorashada haatan socda aysan ahayn doorashada xisbiyada badan,” ayuu yiri Dhegay, oo intaas ku daray. “Doorashadu weli waa mid ku dhisan hannaanka qabaliga ah.”

Ugu dambeyn, Cumar Dhagey ayaa intaas ku daray in guddigoodu ay xoogga saarayaan sidii ay doorashada u noqon lahayd mid ku dhacda dimuqraadiyad iyo hufnaan lagu wada qanacsan yahay.