AF-SOOMAALI

Guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadlay xubnaha labada aqal ee gobollada W/qooyi


Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay doorashada xubnaha aqalka sare iyo kan hoose ee ka imanaya gobollada W/qooyi Soomaaliland.

Avv. Cumar Max’uud C/dulle [Cumar Dhagey] guddoomiyaha guddiga doorashada dadban oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho sheegay in madasha-wadda-tashiga Qaran loo gudbiyay xubnaha aqalka sare ku matali doona gobollada W/qooyi dhawaanna la shaacin doono.

Dhinaca kale, mar uu soo hadal qaaday xubnaha aqalka hoose ku matallaya baarlamaanka federaalka gobollada W/qooyiga Soomaaliya [Soomaaliland] ayuu sheegay in lagu dooran doono magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa uu mar kale ku celiyay guddoomiyaha in doorashada guud ahaan Soomaaliya ku dhici doonto waqtigii loo qabtay, islamarkaana ilaa iyo hadda aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid.

Doorashooyinka Aqalka Sare ayaa waxa ay ka dhaceen maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeele, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxaana heer gabagabo ah maraya doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamul goboleedyada.

Inkastoo guddoomiyaha guddiga doorashada uu sheegay in durbaba la soo gudbiyay xubnaha aqalka sare ku matallaya gobollada W/qooyi, haddana waxaa jira muran xoog leh oo arintan ka taagan.

Gaar ahaan qoraalkii dhawaan ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ee looga hadlay doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada W/qooyi, waxaana arintaa ka hor yimid siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeedda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, oo ku eedeeyay guddoomiyaha in uu baalmaray hishiiskii madasha-wadda-tashiga.

Ugu danbeyntii, lama oga sidda ay dowladda ku wajihi doonto khilaafkan cusub ee mar kale ka dhashay sidda loo qeybsanayo 11ka xubnood ee aqalka sare ku matallaya gobollada W/qooyi.