AF-SOOMAALI

Guddiga doorashada dadban oo war ka soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha


Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa war ka soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha, kaddib shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Avv. Cumar Max’uud C/dulle [Cumar Dhagey] oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii hore ee loo qorsheeyay in ay ku dhacdo doorashada gaar ahaan tan madaxweynaha oo ku beeganeyd 30ka bishan November.

Avv. Cumar Dhagey, ayaa sheegay in waqti dhaw la qabanayo doorashada madaxweynaha inkastoo uusan carabka ku dhufan xiliga rasmiga ah ee doorashada.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayay cabashada ka jirta doorashada xildhibaannada aqalka hoose, ayuu sheegay in xildhibaanno loo aqoonsan doonin musharixiinta ku soo baxay kuraasta lagu murasan yahay, islamarkaana la siin doonin kaararka aqoonsiga.

Guddiga doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada la doortay in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo gallaan magaalada Muqdisho si loo siiyo kararka aqoonsiga.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee beellaha Banadiriga ayuu sheegay in saddex ka mid ah la qabanayo 30 bishan November.

Ugu danbeyntii, dib u dhac mar kale ku yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid walaac hor leh galin karta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo su’aal ka keenay dib u dhacyada xiriirka ah ee doorashada madaxweynaha.