AF-SOOMAALI

Gollaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Muqdisho


Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen miisaaniyada sanadka 2017 iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2016.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay istaageen, maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.

Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ahaa kharashka Aqalka sare, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka ayaa dhowaan celiyay miisaaniyada sanadka 2017 oo uu horgeeyay Wasiirka Maaliyadda, taasoo aheyd mid lagu jaan-gooyay miisaaniyada sanadkii hore.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeri ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2016, sidoo kalena Goluhu wuxuu ansixiyay Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.

Golaha Aqalka sare oo ku soo biiray golayaasha dowladda ayaa heli doona miisaaniyad gaar ah, inkastoo Aqalka sare mushaaraadka ay ku leeyihiin Maamul goboleedyada laga soo doortay.

Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in la hor-geeyo Miisaaniyada sanadka 2017, si ay uga doodaan, ka hor inta aanay meel marin.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo maanta baanaanbax sameeyay.