AF-SOOMAALI

Golaha Wasiirrada oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday makhaayada Pizza House


Kulankii Golaha Wasiirada shalay ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen makhaayada Pizza House ee ku taalla degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.

Shirkii shalay waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn warbixin ku aadan weerarka looga dhegeystay Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa yiri “Weerarkii Pizza House waxaa ku dhintay 20 ruux oo ay kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, 7 kamid ah dadkii halkaasi lagu dilay waxaa ay ahaayeen haween ku sugnaa halkaasi waqtigii uu qaraxu dhacayay”.

“Falkaas argagixiso wuxuu cadeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE).

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo, ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xalay Al Shabaab ay ku qaadeen maqaayada Pizza House, ee ku taalla degmadda Hodan ee magaalladda Muqdishu.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayada Pizza House.

Mudane Farmaajo ayaa tacsi kadib waxaa uu yiri “Dadkaasi waxaa ay ahaayeen dad shuhada ah oo bil soon ah la dilay, waliba xili ay faraxsanaayeen waa in laga murugoodo, in bil Ramadaan ah waliba 10-kii dambe lagu jiro in dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan in la laayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.