GLOBAL NEWS

Golaha Wasiirada oo isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka Ciidamada Qaranka


Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahana Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac (Ilka jir), waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga Dalka, Isku Dhafka Ciidamada Xooga iyo Gudiga Hagida Maamulka Maaliyada,

Ugu horayntii Wasiiirka Amniga, ayaa sheegay inay dadaalo badan oo lagu sugayo amniga laga sameeyey caasimada, iyo gobolada dalka, waxaana iska kaashaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Wasiirka ayaa sheegay iney muhiim tahay wada shaqayn joogta oo ay yeeshaan hay’adaha dowlada iyo shacabka lagu sugi karo xal u helida arrimaha amnaanka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada, ayaa warbixin ka siiyey habka ay u shaqaynayaan gudiga Maamulka Hagida Maaliyada oo loo xil saaray dabagalka qandaraasayada ay dowladdu bixiso iyo waxyaalaha ay dowladdu soo iibsato.

Wasiirka, ayaa sheegay in gudigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraasayadii horay loo galay kuwaas oo qaarkood la ogaaday ineysan dhamaystirnayn, dood dheer ka dib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga Maamulka Hagida Maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka qaranka oo horyaala baarlamaanka.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga, ayaa golaha uga warbixyey halka uu marayo qorsha isku dhafka ciidamada xooga dalka.

Wasiirka, ayaa xusay in ay hada jiraan ciidamo ku kala firirsan gobolada qaarkood oo mushaar iyo qalba ay siiso wasaarada gashaandhiga. Maleeshiyooyin beeleedyo, iyo ciidamo ay gaar u leeyihiin maamul goboleedyada ka jira dalka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la mideeyo dhamaan ciidamadaas.

Soo jeedinta wasiirka marka goluhu uu dood ka yeeshay, ayaa la ansixiyey dhismaha gudiga isku dhafka ciidamAda qaranka in laga soo xulo dhamaan gobolada dalka, si loo helo ciidan qaran.