GLOBAL NEWS

Golaha Wasiirada DFS oo Ansixiyay in Maxamed Daahir Afrax lagu bedelo Booskii Caasho Geelle


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku Ansixiyay Xubin ka mid noqonaya Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka dalka, iyadoo kulanka looga hadlay arrimaha Amniga iyo dhibaatooyin ka jira dhul-xeebaadka Muqdisho.

Ugu horreyn, shirka ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasiirka Dastuurka Somalia ee ah in Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano Soomaaliya uu ka mid noqdo buuxiyana xubin ka dhinneyd Gudigga Madaxa-banaan ee dastuurka, booskan oo ay dhawaan banaysay Caasho Geelle oo horay u ahayd guddoomiyaha guddigan dib u eegista dastuurka dalka.

Intaa kaddib Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda Somalia ayaa Golaha uga warbixiyay dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha Muqdisho, isagoo yiri. “Waxaa jira in dadka ku howlan dhismayaasha ay caadaysteen in carrada iyo dhagaxaaanta jayga ah ka gurtaan xeebta, taasoo keeni karta in Baddu ay kusoo durugto Magaalada; madaama carradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaraddu waxay wadday baaritaankaan in muddo ah, waxaa kaloo aan soo ogaanay in Qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiigga Xoolaha, Bulaacadaha iyo Qashinka laga qaado magaalada, kuwaasoo keeni karo caafimaad darro baahasan.”

Sidoo kale, Wasiir ku Xigeenka Difaaca Somalia ayaa Golaha uga Warbixiyay Guulihii ay Ciidamada dowladda Somalia kasoo hooyeen Deegaanno hoos-taga Gobolka Shabeellada Hoose. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaasoo ahayd meelaha ay kasoo abaabuli jirtay Al-shabaab Weeraradda ay kusoo Qaadaan Goobaha ay Ciidamadu ka joogaan Gobolkaas, Sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyay Golaha halka uu marayo isku-dhafka ciidamada oo Wasaaradda Gaashaandhiggu hormuudka ka tahay.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya Cumar C/rashiid oo Shirka Guddoominayay ayaa Guddi ka kooban 10 Wasiir u Xil-saaray dhageysiga Dadka Qaba Tabashooyinka ku aaddan Baar-lamaanka cusub ee Jubbaland, waxaa sidoo kale guddigu Wada-hadal Arrintan ku saabsan la furayaan Maamulka Jubbaland.