GLOBAL NEWS

Gobolka Shabeellada Hoose oo loo magacaabay Guddoomiye Cusub iyo Siddii oo xilka laga Qaaday


Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii hore ee gobalka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur [Siidii], isla markaana guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiyaha loo magacaabay Shabeellada Hoose ayaa lagu magacaabaa, Ibraahim Aadan Cali, kaasoo bedelaya guddoomiyihii hore, isla markaana la doonayo in gobolka uu howlo badan ka qabto.

Afhayeenka maamulka Shabeellaha Hoose, Maxamed Shiine oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in guddoomiyahaan cusub ay ka rajeynayaa wax-qabad muuqda, isagoo dhanka kale xusay in guddoomiyihii hore Cabdulqaadir Siidii uu shaqo badan qabtay intii uu xilka hayay.

“Madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed wuxuu u magacaabay guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose, Ibraahim Aadan Cali, waan soo dhaweyneynaa magacaabistiisa. Sidoo kalena waxaan guddoomiyahii hore ee gobolka C/qaadir Siidii uga mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee u soo shaqeeyay,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Gudsoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa horyaalla shaqooyin u badan amniga, xilli inta badan dagaallo ay ka dhacaan gobolkaas, sidoo kalena ay jiraan burcad dhacda gaadiidka shacabka ee gobolkaasi ka shaqeeya.