GLOBAL NEWS

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta laga soo dajiyay Cabdi Waal oo ay Daba-joogtay DFS


Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Maanta laga soo dajiyay Diyaarad sidda, Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaanno Cabdi Waal, iyadoo Wararku ay sheegayaan in laga soo qabtay gudaha waddanka Kenya oo xilliyadii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Wararka intaas ku daraya, in Ciidamo ka tirsan Nabad-sugida Somalia ay kasoo kexeeyeen Cabdi Nuurre Kenya, ayna ku xireen Saldhig ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn halka uu ku yaallo.

Inkastoo Hay’adaha Amniga Dowladda aysan weli ka hadlin Gacan kusoo dhigidda Cabdi Waal ayaa hadana waxay wararka hoose sheegayaan in ciidanka nabad-sugidda Somalia ay kusoo qabteen warqad ruqsad ah oo lagu soo xirayo, taasoo ay bixisay xukuumadda Kenya.

Sidoo kale, Cabdi Nuurre oo ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa 2014-kii si-dhuumaaleysi ah kaga baxay Muqdisho, isagoo tagay gobolka Galguduud, halkaasoo uu muddo ku noolaa.

Wixii Xilligaas ka dambeeyay, Waxaa baadi-goob ku hayay Hay’daha Amniga Dowladda Federaalka Somalia, waxaana horay ciidammo ka tirsan Sirdoonka Somalia oo isku dayay inay qabtaan ay ku dagaallameen agagaarka garoonka diyaaradaha, isagoo ka baxsaday.

Dhanka kale, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Cabdi Waal inuu ku lug lahaa falal ammaan-darro ah oo ka dhacay Muqdisho, inkastoo uu beeniyay in eedahaas uu ku lug leeyahay.

Ugu dambeyn, Cabdi Nuurre Siyaad [Cabdi Waal], ayaa Xiriir la lahaa Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe, isagoo ka Qayb-qaatay Dagaallo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.