AF-SOOMAALI

Garoonka diyaaradaha Garoowe oo loo diyaarinnayo in uu shaqeeyo habeen iyo maalin


Puntland ayaa shacisay qorshe lugu doonayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir Muuse in uu shaqeeyo habeen iyo maalin, taaso ka dhigeysa garoonkii ugu horreeyay ee Puntland oo shaqeynaya labo xilli.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa toddobadkii hore dhagax-dhigay mashruuc layr loogu sameenayo garoonka diyaaradaha, kaas oo suragalinnaya garoonka diyaaradaha Garoowe , inuu shaqeeyo habeen iyo maalin, sida lugu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland.

“Sawirka runta ah waxaa bixinnaya markii laga soo deggo waa garoonka, marka waxaan rabnaa garoonka caasimadda inuu qurxoonaado, wanaagsanaado, nal leeyahay, jidad fiican leeyahay.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo u mahadceliyay cid walba oo ka qeybqaadatey horumarinta garoonka diyaaradaha.

Mashruuca nalalka cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgaliyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa qeyb ka ah dayactirka lugu sameeyay oo hadda gabagabo maraya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta garoonka.