GLOBAL NEWS

Ganacsatada Jubbaland oo Baaq u Diray Qurbo-joogta Kasoo jeeda Gobollada Jubbooyinka


Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland (JCCI) Shaafi Raabi Kaahin oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta u dhalatay deegaanada Jubooyinka in ay maalgashtaan dhulkooda.

Gudoomiyaha oo aan ka wareeysannay ganacsiga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isbadal weyn uu ku yimid ganacsiga magaalada, islmarkaana ay imika si wanaagsan u socdaan howlaha ganacsiga ee gobolka.

“Ganacsiga magaalada Kismaayo si dardar leh ayuu ku socdaa, waxaadna ogtihiin in magaalada ay hadda kusoo xirtaan Maraakiib ganacsi oo waaweyn oo keena Konteennarro, waxayna arintaasi fududeeysay howlihii ganacsi ee gobolka,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Shixnadaha kala duwan ee kasoo dega dekedda magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo iibgeeyaa qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo weliba gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo aan weydiinay waxyaalaha ay rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland kusoo kordhisay gobollada Jubooyinka ayaa waxa uu yiri,” sida aad la socoto magaalada Kismaayo waxaa hore looga yaqaannay wax la yiraahdo “Kuusi” oo ah xilliyada badxiranka oo ay istaagi jireen doomaha ganacsi ee yimaada Kismaayo, imika waa laga baxay Kuusi oo ma dhici doonto in uu ganacsigii badda istaago, waayo waxaan heshiisyo la galnay shirkado waaweyn oo xilli walba shixnadaha ganacsi keeni kara Kismaayo,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka qurbajoogta ah ee u dhashay deegaanada Jubbaland in ay maalgashtaan dhulkooda, isagoo sheegay in wadanku uu galay marxalad ka badalan tii hore oo hadda dadka Soomaaliyeed ay doonayaan nabad iyo dowladnimo, taasina ay fursad u tahay cid walba oo wax heeysata in ay ka faa’iideeysato, bulshadana uga faa’iideeyso.

Guud ahaan ganacsiga degmada Kismaayo ayaa kusocda si dardar leh iyadoo ay magaaladu kusoo badanayaan shirkadaha ganacsi, sida kuwa Kalluumeeysiga, waxsoo saarka dalka iyo shirakado kale oo iyaguna ku howlan waxsoo saar kala duwan.