AF-SOOMAALI

Gaas, Xaaf & Axmed Madoobe oo socod ku maray Cadaado, baaqna u diray shacabka Gaalkacyo


Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta shir Jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Cadaado waxay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay ka wadda shaqeeyaan Nabadda.

Ka hor shirka Jaraa’id ayaa waxay ay lug ku mushaaxeen wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado halkaasoo ay si kalsooni leh gacanta ugu haadiyeen shacabka magaaladaasi.

Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah, isla dhashay, derisa, dhuldaaqsimeed wadda leh, horumar iyo wadda shaqayn buuxda leh, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen xasiloonida iyo Nabadda ay maanta ku naaloonayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si degdega loo furo ama loo baneeyo waddooyinka kala xiran ee magaalada Gaalkacayo si ay u fududaadaan isu socodka dadka walaalaha ah ee wada degan.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhul daaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac ee had iyo jeer ka yimaado khilaafku ay tahay laga maarmaan in xal laga gaaro, si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka Mudug ay u dhasheen dad wanaagsan oo jecel Nabadda iyo Soomaalinimada.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah oo xigaala, waxaana uu ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaadda gobolkooda, taasi oo uu xusay inay ku tahay degaanadooda caqabad iyo musiibo aan xal lahayn.

Xaaf ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isu furka magaalada Gaalkacyo, kaasoo uu sheegay inuu yahay caqabadda koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaas.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigii la socday ee Cadaado kaga qayb galay caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ugu danbayn maanta gelinkii danbe dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.