GLOBAL NEWS

FBI-da oo Dalka Mareykanka xabsiga dhigay Wiil Soomaali ah oo Doonayay inuu ku biiro Daacish


Laamaha Federaalka Maraykanka ayaa maalintii shalay ahayd dacwad cusub ka gudbiyay wiil kamid ah Soomaalida gobolka Minnesota ku nool, waxaana loo haystaa inuu taageero kala duwan u fidiyay ururka ISIL ee Bariga dhexe ka dagaallama.

Dacwadan oo laga gudbiyay C/risaaq Maxamed Warsame oo ah 20-sano jir deggen Eagan ayaa la sheegay inuu ku jiray 10 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo kasoo jeeda Minnesota, kuwaasoo bilaabay qorshaynta safar ay ku tagayaan dalka Suuriya si ay ugu dagaalamaan ururka Daaacish.

Seddex ka mid ah dhallinayradaas ayaa horey loogu xukumay arrimo argagaxisanimo la xiriira, halka shan ka mid ah la qorsheeyay in maxkamadda lasoo taago bisha shanaad ee sanadka danbe iyadoo dhalinyaradan la soo eedeeyay uu mid kamid ah ku sugan-yahay dalka Suuriya.

Cabdirasaaq Maxamed ayaa la xiray maalinimadii Arbacada, waxaana la sheegay in hadda lagu hayo xabsiga degmada Anoka, iyadoo xarigga qof kale oo Somali ah si aad ah looga hadal-hayay magaalada Miniappolis maalmahan.

“Tani waa xaalad aan horey u soo aragnay, badbaadinta waddankan waa hawl ina wada-khuseysa dhammaanteen,“ ayuu yiri Saadiq Warfaa oo ka mid ah hoggaanka jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Mareykanka.

“Waxaan rajaynaynaa in kiiskan uu noqdo kii ugu danbeeyay, dhammaanteen horey waan u socon karnaa si aysan arintan oo kale u soo laaban,” ayuu yiri mar kale Saadiq Warfaa oo sheegay inuu doonayo in uu ogaado sababta Warsame loo xiray, isaga dowladda weydiiyay in ay cadaymo u hayso xariggiisa

“Dowladdu shaqadeeda ha qabsato aad ayaan ugu qanacsan-nahay sharciga cadaaladda ee dalkan, waxaan doonaynaa in howshan loo xilsaaro qareen madax banana,“ ayuu mar kale xusay Warfaa oo sheegay in uusan tuhun ka qabin nidaamka cadaaladda Maraykanka.

War kasoo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in Warsame uu kamid ahaa dhalinyaro ciyaari-jiray basketball-ka isla markaana daawaday muuqaalo been abuur ah oo lasoo galiyay Internet-ka, taasoo keentay qorshaynta safar ay ku tagaan dalka Suuriyaa.

Warsame ayaa la sheegay in uu noqday hogaamiyaha dhalinyaradaas, waxaana loo haystaa eedaymo ay kamid yihiin in uu lacag dhan $200 uu ka bixiyay mid kamid ah dhalinyaradii uu hoggaaminayay si uu sharciyada safarka deg deg ugu helo.

Laanta baasaboorada dalka Maraykanka ayaa sheegay in Warsame uu bishii abriil 2014-kii uu soo dalbaday baasaboorkiisa safarka ,isaga oo waraaqda codsiga ku sheegay in uu arimo qoys ugu safarayo dalka Biritin,balse xafiiska baasaboorada ayaa sheeegay in Warsame uu dalbaday booqasho uu ku tagayo Australia.

Dalabka Warsame waa la diiday, sababo la xiriira in uu buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa, balse xafiiska ayaa xusay in wiilkan ay u suuro-gashay qaadashada baasaboorka bishiii 8-aad ee 2014-ka, sababo aan la shaacin.

Vinetsky oo ah sarkaal ka tirsan FBI-da ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah C/risaaq ay ku jiraan qorshaynta safar uu ku soo aadi lahaa Afrika ,ka dibna uu uga sii gudbi lahaa Suuriya ama Somalia midkood si uu uga bar-bar dagaalamo kooxaha xagjirka ah.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay in Warsame oo ay la socdaan dhallinyaro kale inuu aaday maktabaadda si uu sharciyada safarka ugu soo daabaco Cabdulaahi Yuusuf oo ay wada socdeen 28-dii bishii shanaad ee sanadkii hore si uu uga safro Minneapolis una gaaro magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Laamaha amniga ayaa ka hortagay in Yuusuf uu dalka ka baxo, wuxuuna qirtay qorshaha uu doonayay bishii labaad ee sanadkan,waxaana eedaymaha loo haysto Warsame kamid ah in uu xiriiro uu la sameeyay rag ISIL ka tirsan waqtiyo kala duwan.

FBI-da ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu ISIL u gudbiyay macluudka wiil 21-sano jir ah uu Turkiga tagay bishii lixaad sagaalkeedi ee sanadkii hore, isla markaana uu xiriiro dhinaca taleefanka ah la sameeyay dhalinyaro isku dayaysay in ay aadaan dalka Suuriya iyagoo si maraya Maxico.

Saadiq Warfaa ayaa dhalinyarada qorshaynaysa in ay ka tagaaan gudaha Minnesota ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan mustaqbalka Maraykanka, isla markaana ay si wanaagsan uga faa’idaystaan waxbarashada iyo fursadaha Maraykanka yaala.

Ugu danbayn, mas’uulkaan ayaa sheegay in haddii qof Soomaali ah uu khalad-sameeyo ay howshaasi u taalo laamaha sharciga, isla markaana xusay in Islaan nacaybka ka jira dalalka reer Galbeedka xiligan uu yahay mid laga walwalo.