GLOBAL NEWS

Fatahaada Wabiga Shabelle ee deegaano ka tirsan Sh/Dhexe


Waxaa sii kordheysa cabsida laga qabo in Wabiga Shabelle uu ku fataho deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu wabiga ku fatahay Tuulooyin dhowr ah, halkaasoo dadkii degenaa ay ka barakaceen.

Tuulada Duduble oo hoos tagta degmada Mahadaay ayaa saameysay fatahaada, iyadoo biyo badan ay gudaha ugu galeen, isla markaana guryo badan uu baabi’iyay.

In ka badan 200 qoys ayaa ka barakacay fatahaada tuuladaas, kuwaasoo haatan saldhigtay meel banaan ah oo ku dhow tuuladooda, waxaana dadkan ay ka sameysteen aqalo cooshado ah, kuwaasoo aanay dhaxanta iyo roobka celin karin.

Sidoo kale Tuulooyinka qaar ayaa waxaa ka jira feejignaanta fatahaada wabiga, kadib markii uu wabiga uu si aad ah u biyo keenay, waxaana dhinaca kale socda dadaalo uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ayaa looga cabsi qabaa in kor-shubka wabiga ama siimow uu galo, waxaana soconaya cara-tuur lagu sameynayo hareeraha wabiga.