GLOBAL NEWS

FAROOLE: Waxaan ka digayaa in mar kale dadka Soomaaliyeed Wax loogu Qaybiyo Nidaamka 4.5


Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed mar labaad wax loogu qeybiyo nidaamka qabiiliga ah ee 4.5, kaasoo uu sheegay inuu sabab u yahay dib u dhaca Somalia.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay in nidaamkaas laga gudbo, dalkana ay ka dhacaan doorashooyin lagu soo xulanayo hoggaamiyaha dalka, wuxuuna ka digay in dib loogu laabto nidaamkan oo ragaadiyay dowladda federaalka ah ee Somalia.

Sidoo kale, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in haddii dastuurka dalka u yaalla sida uu yahay loogu dhaqmo laga yaabo in la gaaro doorasho ka wanaagsan tan hadda la rajeynayo inay dhacdo, isla markaana aan Soomaalida kala qaybinayn.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa talo ahaan u soo jeediyay in doorashada la qaban doono ay la mid noqoto kuwii ka dhici jiray dalka ka hor intii aanu xilka la wareegin madaxweynihii hore ee millatriga ahaa.

Dhinaca kale, Faroole ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay dooneyso in doorashada sannadka 2016-ka dalka ka dhacaysa ay u dhacdo hab la mid ah 4.5-ka, taasoo sheegay in haddii ay dhacdo dalka uu dib u dhac intaan ka badan ku dhici doono.

Ugu dambeyn, nidaamkan 4.5-ka ah ayaa wuxuu Somalia ka jiray sanadihii lasoo dhaafay, kaasoo ah midka ay haatan ku dhisan tahay dowladda Somalia ee hadda jirta. Inkastoo ay madaxda dalku sheegeen in nidaamkan laga gudbayo sannadka soo socda ee 2016-ka.