AF-SOOMAALI

Farmaajo oo khudbad u jeediyey dufcadii ugu horeysay ciidanka difaaca Madaniga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay inay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay naftooda u huraan dalkooda, in ay u dhintaan diintooda, inay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka, isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro, wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi inay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab.