AF-SOOMAALI

Farmaajo oo booqday goobtii Masiibadu ka dhacday & Isbitaalada, dhiigna shubay


Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday goobtii mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Zoopo iyo Isbtitaalada magaalada qaarkood isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada ayaa tagay qaar ka mid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba, wuxuuna madaxweynuhu dhiig u shubay dadka Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaatadu culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay Musiiibadan, wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Meydad faraa badan oo qaarkood la garan waayey iyo dhaawacyo aad u badan ayaa buux dhaafiyey isbitaalada, sidoo kale waddooyinka magaalada dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay kuwaasoo qaar kood baadi goob ugu jira qaar kamid ah eheladooda oo la la’yahay halka qaarna ay halkaasi u tagayaan in ay gurmad sameeyaan.

Waxaa jira meydad weli la aaminsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha hoostooda, xalay ilaa saaka waxaa soconaya howlaha gurmadka ah oo lagu faagayo dhismayaasha burburay.