AF-SOOMAALI

Fanaaniin caan ah oo Maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo


Fannaaniinta kala ah; Maxamed Xasan Xuseen [Lafoole], Shimaali Axmed Shimaali, Siiddii Cali Winkey, Fanaannada Umu Shariif iyo Fannaaniin kale ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Fannaaniintan oo u yimid Kismaayo si ay uga qeybgalaan xafladda caleemo-saarka madaxweeynaha Jubaland ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo, kuwaasoo ruxayay calanka astaanta qaranka Soomaaliya iyo kan maamul goboleedka Jubbaland.

Fannaaniintan oo warbaahinta kula hadlay garoonka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan magaalada Kismaayo.

Fannaaniinta ayaa waxa ka muuqatay sida ay ugu faraxsanaayeen imaatinkooda Kismaayo, iyagoo sheegay in ay aad ula dhaceen sida diiran ee magaalada Kismaayo loogu soo dhaweeyay.

12-ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo xafladda caleemosaarka madaxweeynaha Jubbaland, taasoo ay ka qeybqaadan doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka iman doona qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo weliba xubno ka iman doona beesha caalamka.