AF-SOOMAALI

FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu Qaaday Banaadir Beach iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda


Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerar Qarax iyo mid toos ah isugu jiray oo fiidnimadii caawa lagu qaaday Baarka Banadir Beach oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka hawl-gallada Al-shabaab ayaa saxaafada u sheegy inay iyagu mas’uul ka yihiin Weerarka, inkastoo uusan sheegin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarkan ka dhashay.

“Innaga ayaa ka dambeynay Weerarka lagu qaaday Maqaayadda Banadir Beach, welina xoogaggeenu gudaha Baarka ayay hawl-gallo ka wadaan,” ayuu Warbaahinta u sheegay Sh. C/Casiis Abu-Muscab oo ah afhayeenka hawl-gallada Al-shabaab.

Weerarkan ayaa ku billowday Qarax culus, iyado markaas kaddibn ay koox hubeysan gudaha u gashay Banaadir Beach, iyagoo billaabay inay rasaas ku furaan shacabkii xilligaas ku sugnaa.

Sidoo kale, sarkaal u hadlay ciidamada amniga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxihii weerarka qaaday ay gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah, ayna hadda daweynayaan.

“Ruuxaan dhaawac ah ee aan qabannay wuxuu ka mid ahaa kooxihii caawa weerarka ku qaaday Baarka Banadir Beach ee Xeebta Liido, waxaana kasoo qabanay meeshii uu baabuurka miineysani ku qarxay,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamad Amniga Dowladda Somalia.

Wasiirka Amnig Xukuumadda Somalia, C/risaaq Maxamed Cumar ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Ciidanka Nabad-sugidda Somali ay hawl-gallo ka wadaan baarka la weeraray.

Dhanka kale, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse gaadiidka gurmadka deg-degg ah ayaa waxay ku hawlan yihiin dad-gureynta dhaawacyadii ka dhashay weerarka.

Ugu dambeyn, Xeebta Liido ee Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla baarar ay ku caweeyan dhallinyarada, gaar ahaan kuwa ka yimid qurbaha, waxaana sidan oo kale dhawr jeer ugu dhacay weerarro ay dad badan ku naf-waayeen.