GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Qaraxii ka Dhacay Afaafka Hore ee Madaxtooyada iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxii Maqribnimadii Caawa ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somlia, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Qaraxa ayaa ka dhacay Koontaroolka koowaad ee laga galo Madaxtooyada oo ay Xilligaas ku Sugnaayeen ciidammo badan oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada iyo Dad Shacab ah oo ganacsiyo kala duwan ku haystay halkaas.

“Waxaan indhahayga ku arkay Maydadka illaa Toddoba Ruux oo uu ku jiray ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah, Waxaana dadka dhintay ku mid ahaa nin Caddaan ah,” ayuu yiri Goob-jooge la hadlay Warbaahinta isagoo ku Sugnaa Goobta uu Qaraxaani ka dhacay, Wuxuuna intaas ku daray in dhaawacyadu ay ahaayeen kuwo aad u fara badan.

Hawl-wadeennada Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in lasoo gaarsiiyay dhaawacyo ka badan toban ruux oo qaarkood ay dhaawacyada ku yaalla yihiin kuwo aad u culus.

Xilliga uu Qaraxaan dhacayay ayaa waxaa la sheegay in Ergayga QM ee Somalia, Danjire, Nicholas Kay uu kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo uu kaga qayb-galayay Shirkii looga Hadlayay Doorashooyin ka dhaca dalka Sannadka soo socda ee 2016-ka.

Goobta oo dhan ayaa waxaa ka muuqday burbur xooggan oo Qaraxaa oo ahaa mid culus uu geystay, iyadoo sidoo kale ay goobta yaalleen gaadiid kala duwan oo burbur uu soo gaaray, kuwaasoo Qaarkood la sheegay inay ahaayeen lahaayeen dad shacab ah.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas ayaa waxaa la dhigay Isbitaallada Muqdisho Qaar ka mid ah waxaana dadka qaraxan ku dhaawacmay ku jiray guddoomiyaha Degmada Wardhiigley, Yaasiin Nuur oo ka dhaawacmay qaarka dambe, iyadoo ay dhaawacyadu isugu jireen kuwo culus iyo kuwo fudud.

Hoteellada ku dhow Xarunta Madaxtooyada sida Sayid iyo SYL ayaa Dad ku jiray Waxaa iyagana soo gaaray dhaawacyo kala duwan, iyadoo fikirradii Qaraxan uu meelo Fog-fog ku dhaawacay Dad Shacab ah.

Al-shabaab ayaa sheegay mas’uuliyada Qaraxa Ismiitaaminta ahaa, iyadoo Afhayeenkooda dhanka Hawl-gallada, Sheekh C/casiis Abu-Muscab uu sheegay in Weerarkan ay iyagu ka dambeeyeen ayna la beegsadeen Saraakiil Soomaali iyo Ajaanib isugu jiray oo uu sheegay inay ku sugnaayeen Madaxtooyada Somalia.

“Weerarkan innaga ayaa ka dambeynay, Waxaana la beegsannay Madaxtooyada oo Hagar-daamooyin kale loogu Maleegayay Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Sh. Abuu-Muscab ku yiri Hadal kooban oo uu siiyay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaa si rasmi ah weli uga hadlin Weerarkan Is-miidaaminta ah ee Maqribnimadii Caawa ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, iyadoo aysan ahayn markii ugu Horreysay oo ay Al-shabaab weerarto Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkan is-miidaaminta ah ayaa imaanaya xilli Toddobaadkan uu u sheegay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Wareysi gaar ah oo uu siiyay Reuters in Weerarada Al-shabaab aysan Macnahoodu ahayn inay mar kale soo laabatay Awooddii Al-shabaab.