GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Khasaarihii Qaraxii Muqdisho ka dhacay iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax ka dhacay maanta duhurkii waddada Maka Al-mukarama ee Muqdisho, iyadoo la sheegay in qaraxan ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay waddada dhinaceeda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ay mas’uuliyadiisa sheegaetay Xarakada Al-shabaab uu qarxay iyadoo uu waddadaas marayay guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye [Cirfo], waxaana kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray taliyihii ciidamada saldhigga booliiska ee degmada Waaberi, Cali Muuse iyo afar askari oo la socday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka illaa shan qof oo goobtii uu qaraxu ka dhacay yaalla, waxaana sidoo kale qaraxan oo ahaa mid xoogan oo sharqantiisa inta badan Muqdisho laga maqlay ayaa burbur xoog leh gaarsiiyay dhismayaal ganacsi oo ku dhawaa halka uu qaraxan ka dhacay, iyadoo burburkii ugu xoogganaa uu gaaray dukaan weyn oo laga adeegto.

“Halka uu qaraxu ka dhacay waxay ahayd goob aad loo buuxay oo dhismayaal ganacsi ay ku yaallaan… dhimashada illaa hadda aan aragnay waa shan ruux, dhaawucuna wuu fara badan yahay, laakiinse khasaaruhu intaas wuu ka badan karaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Somalia oo warbaahinta la hadlay.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay qaraxan ku weerareen saraakiil ka tirsan dowladda Somalia sheegtay qaraxyo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lala beegsaday hoteello iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan jirin cid ay magacaabeen.

Sidoo kale, Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow dhismaha Waaxda Socdaalka Somalia, gaar ahaan halka laga bixiyo baasaboorrada, inkastoo aysan jirin wax dhibaato ah oo qaraxan kasoo gaartay.

Hay’adaha Ammaanka dowladda Somalia ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli toddobaadkii hore isla Waddadaan muhiimka ah lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka.