GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo iyo Al-shabaab oo sheegatay


Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee saakay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10-qof, inkastoo Duqa Gaalkacyo ee Puntland uu u sheegay Warbaahinta in Weerarkaas Qarax lagu dilay siddeed qof, iyadoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Qaraxaan oo uu fuliyay ruux miineysan, ayaa ka dhacay meel ku dhow Hoteelka Uunlaaye, Waxaana dadkaan dhintay ku jiray xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, oo magaciisa lagu sheegay Siciid Cali Yuusuf [Gaadda-yare].

Duqa Gaalkacyo ee Puntland, Cabdicasiis Jaamac Guuleed ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay siddeed ruux oo uu ku jiray mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, sidoo kalena ay ka mid ahaayeen laba wiil oo caseeye ahaa, isagoo sheegay 10-ruux oo kalena – ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarkaan.

“Weerarku wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu dilay siddeed ruux oo shacab u badanaa, kuwaasoo uu ka mid ahaa; Xisaabiyhii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Siciid Gaaddo-yare , waxaana sidoo kale ku jiray laba wiil oo yar-yar oo caseeye ahaa,” ayuu yiri C/casiis Jaamac.

Sidoo kale, Afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab, Sh. C/casiis Abu-Muscab oo isagana la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay ka dambeeyeen iyaga, ayna ku beegsanayeen saraakiil ka tirsan Puntland.

“Mid ka mid ah Saraakiisha Puntland ee aanu beegsanaynay ayaa qaraxa ku dilnay, kaasoo ahaa isku xirihiii maamuka Puntland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Abuu-muscab oo la hadlayay Warbaahinta Al-shabaab.

Dhanka kale, Wararka ayaa xusaya in ruuxa Qaraxaan fuliyay uu ahaa Ruux si weyn looga garanayay Waqooyiga Gaalkacyo, uuna ka mid ahaa dhallinyarada gaadiidka dhaqa, balse ma jiraan faahfaahinno intaas ka badan oo la bixiyay.

Ugu dambeyntii, Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadyo ka hor ay ka saartay Puntland deegaanno ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland dagaal-yahanno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo soo galay.