AF-SOOMAALI

Faah faahin: maxkamada ciidamada oo toogasho ku fulisay afar dhalinyaro ah magaalada Baydhabo


Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa xukun dil ah ku fulisay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Dhalinyarada la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Xassan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan Cabdiraxmaan, Siyaad Xassan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed oo lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Fagaaraha ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa joogay gudoomiyaha maxakamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Liibaan Cali Yaroow, gudoomiyaha maxkamada derjada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka maanta lagu fuliyay afarta dhalinyarada ah ayaa imanaya xili maalintii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta ugu sareysa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maalin kor ayeey aheyd markii maxkamada ciidamada dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa in sanadkii hore ee 2016ka qof rayid ah ku dilay degmada Afgooye.