AF-SOOMAALI

Faah faahin ku saabsan qaraxyo waaweyn oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho


Saraakiil ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii hoteelka Dayax, waxaana jira khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxyada saakay dhacay iyo weerarka kooxaha dableyda ah ay ku qaadeen hoteelka Dayax.

Tirada dhimashada ayaa lagu waramyaa in ay ku dhawdahay 20 ruux, halka sidoo ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo soo gaaray dad shacab ah oo ay ka mid yihiin wariyayaal ka tirsan wakaalado kala duwan.

Wariyaasha dhaawacmay oo u badnaa sawir qaadayaal ayaa waxaa ka mid ahaa wariye Faarax AP,Wariye Saruurow,Wariye Gacal oo Tv-ga Horn Cable ka tirsan iyo Wariye lagu Magacaabo Gurey.

Waxaa inta badan bur buray dhimayaashii ku yaala ilinka hore ee hoteelka, sidoo kalana waxaa dumay goobo ganacsi oo dad rayid ah ay ku lahaayeen agagaarka hoteelka la weeraray.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka oo noqonaya kii ugu culsaa oo sanadkan ka dhaca magaalada Muqdisho xili loo diyaargaroobayo in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xiligan ku sugan agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay iyaga oo wada howlgalo nadiifin ah, madaama ay sheegeen in la soo afjaray weerarkii dableyda ay ku qaadeen hotelka.