GLOBAL NEWS

Ergayga QM ee Somalia oo ku baaqay in la xalliyo Mooshinka ka Dhanka ah Madaxweynaha DFS


Ergayga Qaramada Middobay ee Arrimaha Somalia Danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay qorshaha lagu xallinayo Mooshinka dhanka ka ah Madaxweynaha Somalia iyo sida ay uga go’an tahay dhinacyada oo dhan in Mooshinka laga gaaro xal-waara.

“Waxaan soo Dhaweynayaa Dadaalka ay Wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Somalia iyo Guddiga taageersan Mooshinkan si ay uga Wada-shaqeeyaan in qaab Wadahadal iyo wada-tashi,” ayuu yiri Danjire Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan ugu baaqayaa Dhinacyada ay Arrintu sida gaarka ah u khusayso inay si dhaqso leh horay uga socdaan si ay xal ay ugu heli lahaayeen khilaafka hadda Jira.”

Nicholas Kay ayaa wuxuu Hadalkiisa ku daray in Xal laga Gaaro Mooshinkan uu Dalka u ogolaanayo Horumarka Geedi-socodka Siyaasadda Soomaaliya inuu u socdo si aan hakad dambe lahayn.

Ugu dambeyn, Ergayga QM ayaa ku sheegay Qoraal uu soo Saaray Caawa in Kooxaha ay Diiradda Saaraan Sidii loo billaabi lahaa Qabsoomiddii Kulammadii looga Arrinsan lahaa Doorashooyin ka dhaca Soomaaliya Sannadda 2016-ka.

Si kastaba ha ahaate, hadalka Kay ayaa kusoo beegmayaa xilli Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u Gudbiyeen Mooshinno iska soo Horjeeda, oo mid ka mid ah laga keenay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud