GLOBAL NEWS

DUQII Hore ee Muqdisho Maxamuud Ax’ed Nuur Tarsan oo Maanta Gaaray Beledweyne


Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] iyo Wafdi odayaal-dhaqameedyo ah oo safarkiisa ku wehlinayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Tarsan iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka, Odayaasha-dhaqanka iyo Ururrada dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Isagoo kula hadlay warbaahinta gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, ayuu sheegay in ujeeddada socdalka isaga iyo odayaasha Safarka ku wehliya tahay ka qeyb-qaadashada guud ahaan wada-tashiyada socda ee la xiriira khilaafka ka taaga dhismaha maamulka Gobollada Hiiraa iyo Shabeellada Dhexe.

Tarsan ayaa siweyn u amaanay doorka Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo mowqifka adag ee uu markiiba iska taagay ismari-waaga ka taagan arrintaan iyo shirarka Wada-tashiga ah ee uu uga baaqay bulshada reer Hiiraan.

”Waxaan dhihi karaa Ugaas Xassan waa hogaamiye dhab ah oo leh astaamihii ay dhaqankii lagu yaqiinnay hoggaamiyaha, waan ku Hambalyeeynayaa Go’aankan Geesimada leh ee uu qaatay ee ah ka shaqeynta midnimada bulshada ku nool gobolka Hiiraan, bulshada waxaan leeyahay is-barbar-taaga Ugaaska kuna shaqeeya Go’aannadiisa wanaagsan, Waayo shaqsi kaliya wax ma Qaban karo,” ayaa ka mid ahaa eryadii uu maanta ka sheegay Beledweyne Duqii hore ee Muqdisho Tarsan.

Intaa kadib Tarsan iyo wafdigii la socday ayaa ku booqday hoyga uu Baladweyne ka degen yahay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ay waqti kooban wada-qaateen.

Ugu danbeyntii Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka rajeeyay wada-tashiyada kala duwan ee ka socda Magaalada Beledweyne in ay ka soo baxaan Go’aanno Saldhig u noqon doonna dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed loogana gudbi doono kala Shakiga & Khilaafaadyada siyaasadeed ee taagan,