AF-SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo in ka badan Labo Milyan oo Dollar ku Qasaaray Doorashada Aqalka Hoose (Warbixin Xasaasi ah)


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa qarash aad u badan ku bixiyay sidii Xildhibaano looga dhigi lahaa Xubno aad ugu dhaw dhaw iyo kuwa katirsan Kooxa Damul Jadiid.

Sida aan xogaha ku heleyno Duqa magaalada Muqdisho ayaa in ka badan labo Milyan oo Dollar ku bixiyay sidii ay Xildhibaano u noqon lahaayeen dhoor xubnood oo isugu jira rag iyo dumar, hasa ahaatee inta badan xubnihii uu maal galinayay ayaa ku guul dareestay in ay doorashada kusoo baxaan.

Waxaa sidoo kale jira xubno kale uu maal galiyay duqa magaalada Muqdisho kuwaa oo iyana ku guuleestay doorashadii ay ka qeyb galeen , inkasoo xubnahaasi ay u badnaayeen kuwa aan kalsooni ka heesan dadka ay matalaan balse kusoo baxay qarashka badan ee laga bixiyay.

Guul daradii ugu dambeysay ayaa soo gaartay Duqa Magaalada Muqdisho maanta kadib markii labo Musharax Musharax uu ku bixiyay lacag ku dhaw Hal Milyan oo Dollar looga adkaday doorashadii aqalka hoose ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa doorashadii maanta ka dhacday Jowhar si weyn u taageerayay Musharax Maxamed Axmed Beere iyo Saadaq Salaad Warsame, waxaana labadan Musharax ka guuleestay dhalinyaro aan qarash badan wadan balse ka heestay Ergada iyo Odaasaha tolkooda, waxaana xusid mudan in musharaxiintan lacagtii laga cunay kadibna codkii loo diiday.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale horey ugu guul dareestay in uu soo saaro Musharaxiin dhoor ah oo u tartamayay Aqalka hoose, kuwaa uu ku bixiyay lacago badan balse guul daro iyo waji gabax kala kulmay doorashooyinkii ay ka qeyb galeen.

Halkan ka Aqriso Musharaxiinta uu lacagta badan ku bixiyay Duqa Muqdisho balse looga adkaaday doorashada iyo lacagta lagu bixiyay.

1- Maxamed Axmed Beere Abgaal Daa’uud Lacag Dhan 500-Kun Dollar
2- Saadaq Salaad Warsame Gugundhabe Baadi Cadde , Lacag dhan 450-kun oo Dollar
3- Cabduaahi Adaan Jajeele waxaa lau bixiyay laca dhan 240-Kun oo Dollar
4- Bakiil Maaxi Macalin Abgaal ,Reer Mataan ,waxaa lagu bixiyay 350-Kun oo Dollar
5- Saadaq Nin la yirahado oo katirsan Xisiga PDP waxaa lagu baxshay 500-Kun Dollar
6- Musharax kale oo isna la Yiraahdo Yoonis ayaa Duqa Muqdisho ku bixiyay 459-kun Dollar

Lacagtan tirada badan uu Duqa magaalada Muqdsho ku bixiyay sidii xubnahan uga mid noqon lahaayeen Aqalka Hoose balse uu ku fashilmay ayaa ahaa lacagihii canshuuraha ee laga qaaday gobolka Banaadir, lacagihii loogu tala galay in wadooyinka lagu dhiso , lacago laga jaray Shaqaalaha gobolka oo lagu dhisi lahaa Wadada Ansalooti iyo lacago kale uu Duqa Muqdisho ku iibiyay dhul dan guud ah oo dowlada laheed.

Dhulalka uu iibiyay Gudoomiyaha gobolka uuna ka helay lacagaha badan ee Doorashada ku baxshay qaarkood ayaa waxaa kamid ah


1-Boosas badan oo kuyaala Tarabunka Degmada Hodan
2-Dulkii Wasaarada Waxbarashada Degmada Howl Wadaag
3-Dhulkii Gaadiidka dowlada Hoose iyo dhul bixinta oo laga iibiyay Bangi kuyaala Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jira dhulal kale oo dan guud ahaa uu sidoo kale iibsaday Duqa magaalada Muqdisho, waxaaa inta badan lacagaha dhulalkaasi laga bixiyay lagu maal galiyay doorashada Aqalka hoose oo qaar badan oo kamid ah lagu guul dareestay in lasoo saaro.

Fadeexada iyo fashilka ay la kulmeen xubnihii uu qarashka badan ku bixiyya duqa magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdiso, waxaana dadka badi u sababeeyay guul darada iyo qarash la’aanta in ay sabab u aheed in kurasataasi lagu raadiyay lacag boob ah kuwa qaab qasab ah dad looga soo qaaday.

Waxaa xusid mudan in Madaxda Dowlada qaarkood ay la socdaan dhul boobka uu sameeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qarashka faraha badan uu ku bixiyay sidii xubno ku dhaw dhaw uga mid noqon lahayaeen Aqalka hoose.